Noble Quran » soomaali » Sorah Al-Haaqqah ( The Inevitable )
Choose the reader
soomaali
Sorah Al-Haaqqah ( The Inevitable ) - Verses Number 52
كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌ بِالْقَارِعَةِ ( 4 )

Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.
وَأَمَّا عَادٌ فَأُهْلِكُوا بِرِيحٍ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍ ( 6 )

Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.
سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍ وَثَمَانِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًا فَتَرَى الْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍ ( 7 )

oo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).
وَجَاءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُ وَالْمُؤْتَفِكَاتُ بِالْخَاطِئَةِ ( 9 )

Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).
فَعَصَوْا رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَّابِيَةً ( 10 )

Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.
إِنَّا لَمَّا طَغَى الْمَاءُ حَمَلْنَاكُمْ فِي الْجَارِيَةِ ( 11 )

Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.
لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَا أُذُنٌ وَاعِيَةٌ ( 12 )

si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.
وَحُمِلَتِ الْأَرْضُ وَالْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَاحِدَةً ( 14 )

Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.
وَانشَقَّتِ السَّمَاءُ فَهِيَ يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ ( 16 )

Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.
وَالْمَلَكُ عَلَىٰ أَرْجَائِهَا ۚ وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَانِيَةٌ ( 17 )

Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.
يَوْمَئِذٍ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنكُمْ خَافِيَةٌ ( 18 )

Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.
فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ فَيَقُولُ هَاؤُمُ اقْرَءُوا كِتَابِيَهْ ( 19 )

Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.
إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَاقٍ حِسَابِيَهْ ( 20 )

Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.
كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا أَسْلَفْتُمْ فِي الْأَيَّامِ الْخَالِيَةِ ( 24 )

Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).
وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِشِمَالِهِ فَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُوتَ كِتَابِيَهْ ( 25 )

Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga.
ثُمَّ فِي سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَاسْلُكُوهُ ( 32 )

Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.
إِنَّهُ كَانَ لَا يُؤْمِنُ بِاللَّهِ الْعَظِيمِ ( 33 )

maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.
إِنَّهُ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ ( 40 )

ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.
وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تُؤْمِنُونَ ( 41 )

Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).
وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ ( 42 )

Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.
Random Books
- INKA BADAN 1000 SUNO MAALINTII IYO HABEENKII-
Translators : C/Qaadir sh.max,ed akhii
Source : http://www.islamhouse.com/p/339558
- Naxwaha carabiga oo koobanNaxwaha carabiga oo kooban waxaan ka turjumay kitaabka la yiraahdo "Xeerarka afka carabiga oo kooban" الموجز في قواعد اللغة العربية ee uu qoray Siciid Maxamed Axmed oo loo yaqaan "Siciid Al-Afgaani". Mana wada turjumin naxwahaasi ee waan soo koobay.
Source : http://www.islamhouse.com/p/61659
- Xeerarka tajwiidka Qur’aankaXeerarka qurxinta aqriska Qur’aanka, أحكام تجويد القرآن waxaan u qoray Soomaalida jecel iney bartaan, rabana inay u sii gudbiyaan caruurtooda.
Source : http://www.islamhouse.com/p/61670
- Naxwaha carabiga oo koobanNaxwaha carabiga oo kooban waxaan ka turjumay kitaabka la yiraahdo "Xeerarka afka carabiga oo kooban" الموجز في قواعد اللغة العربية ee uu qoray Siciid Maxamed Axmed oo loo yaqaan "Siciid Al-Afgaani". Mana wada turjumin naxwahaasi ee waan soo koobay.
Source : http://www.islamhouse.com/p/61659
- SADDEXDA ASAL IYO DALIILAHOODASADDEXDA ASAL IYO DALIILAHOODA
Formation : Maxamed Bin Cabdulwahaab
Translators : Cabdifataax Axmed
From issues : www.iu.edu.sa
Source : http://www.islamhouse.com/p/459