Noble Quran » soomaali » Sorah An-Najm ( The Star )
Choose the reader
soomaali
Sorah An-Najm ( The Star ) - Verses Number 62
عَلَّمَهُ شَدِيدُ الْقُوَىٰ ( 5 )

Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil).
فَأَوْحَىٰ إِلَىٰ عَبْدِهِ مَا أَوْحَىٰ ( 10 )

Wuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday.
لَقَدْ رَأَىٰ مِنْ آيَاتِ رَبِّهِ الْكُبْرَىٰ ( 18 )

Dhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn.
إِنْ هِيَ إِلَّا أَسْمَاءٌ سَمَّيْتُمُوهَا أَنتُمْ وَآبَاؤُكُم مَّا أَنزَلَ اللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَانٍ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَمَا تَهْوَى الْأَنفُسُ ۖ وَلَقَدْ جَاءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ الْهُدَىٰ ( 23 )

Sanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun.
وَكَم مِّن مَّلَكٍ فِي السَّمَاوَاتِ لَا تُغْنِي شَفَاعَتُهُمْ شَيْئًا إِلَّا مِن بَعْدِ أَن يَأْذَنَ اللَّهُ لِمَن يَشَاءُ وَيَرْضَىٰ ( 26 )

Badanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo.
إِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ لَيُسَمُّونَ الْمَلَائِكَةَ تَسْمِيَةَ الْأُنثَىٰ ( 27 )

Kuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig.
وَمَا لَهُم بِهِ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ ۖ وَإِنَّ الظَّنَّ لَا يُغْنِي مِنَ الْحَقِّ شَيْئًا ( 28 )

Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro.
فَأَعْرِضْ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكْرِنَا وَلَمْ يُرِدْ إِلَّا الْحَيَاةَ الدُّنْيَا ( 29 )

Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn.
ذَٰلِكَ مَبْلَغُهُم مِّنَ الْعِلْمِ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اهْتَدَىٰ ( 30 )

Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan.
وَلِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ لِيَجْزِيَ الَّذِينَ أَسَاءُوا بِمَا عَمِلُوا وَيَجْزِيَ الَّذِينَ أَحْسَنُوا بِالْحُسْنَى ( 31 )

Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag.
الَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَائِرَ الْإِثْمِ وَالْفَوَاحِشَ إِلَّا اللَّمَمَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ وَاسِعُ الْمَغْفِرَةِ ۚ هُوَ أَعْلَمُ بِكُمْ إِذْ أَنشَأَكُم مِّنَ الْأَرْضِ وَإِذْ أَنتُمْ أَجِنَّةٌ فِي بُطُونِ أُمَّهَاتِكُمْ ۖ فَلَا تُزَكُّوا أَنفُسَكُمْ ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اتَّقَىٰ ( 32 )

Waana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane.
أَمْ لَمْ يُنَبَّأْ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَىٰ ( 36 )

Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse).
وَأَنَّهُ خَلَقَ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ ( 45 )

Isagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba.
وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا هُمْ أَظْلَمَ وَأَطْغَىٰ ( 52 )

(Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan.
فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ ( 55 )

Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow.
هَٰذَا نَذِيرٌ مِّنَ النُّذُرِ الْأُولَىٰ ( 56 )

Kan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
لَيْسَ لَهَا مِن دُونِ اللَّهِ كَاشِفَةٌ ( 58 )

Wax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici).
Random Books
- QURAANIKA KARIIMKA Iyo Tarjamada Macnihiisa Ee Afka Soomaaliga-
From issues : Wadajirka Adeegaha Labada Xaram Ee Sharafka Badan Boqor Fahad Ee Daabacaadda Jaamaca Sharafta Badan
Source : http://www.islamhouse.com/p/453
- AFARTAN XADIIS-
Source : http://www.islamhouse.com/p/339628
- WAXYAALO ILAAHAY XARIMAY DADKUNA FUDUDAYSTAY IN LA ISAGA DIGANA AY WAAJIB TAHAY-
Source : http://www.islamhouse.com/p/339560
- INKA BADAN 1000 SUNO MAALINTII IYO HABEENKII-
Translators : C/Qaadir sh.max,ed akhii
Source : http://www.islamhouse.com/p/339558
- AFARTAN XADIIS-
Source : http://www.islamhouse.com/p/339628