Noble Quran » soomaali » Sorah Ar-Rahman ( The Most Graciouse )
Choose the reader
soomaali
Sorah Ar-Rahman ( The Most Graciouse ) - Verses Number 78
وَأَقِيمُوا الْوَزْنَ بِالْقِسْطِ وَلَا تُخْسِرُوا الْمِيزَانَ ( 9 )  
 
Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna.
فِيهَا فَاكِهَةٌ وَالنَّخْلُ ذَاتُ الْأَكْمَامِ ( 11 )  
 
Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiido leh.
فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ( 13 )  
 
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow).
خَلَقَ الْإِنسَانَ مِن صَلْصَالٍ كَالْفَخَّارِ ( 14 )  
 
Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay oo kale ah.
رَبُّ الْمَشْرِقَيْنِ وَرَبُّ الْمَغْرِبَيْنِ ( 17 )  
 
Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac.
بَيْنَهُمَا بَرْزَخٌ لَّا يَبْغِيَانِ ( 20 )  
 
Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan.
يَخْرُجُ مِنْهُمَا اللُّؤْلُؤُ وَالْمَرْجَانُ ( 22 )  
 
Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar).
وَلَهُ الْجَوَارِ الْمُنشَآتُ فِي الْبَحْرِ كَالْأَعْلَامِ ( 24 )  
 
Eebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah.
وَيَبْقَىٰ وَجْهُ رَبِّكَ ذُو الْجَلَالِ وَالْإِكْرَامِ ( 27 )  
 
Waxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh.
يَسْأَلُهُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْنٍ ( 29 )  
 
Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin.
يَا مَعْشَرَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ إِنِ اسْتَطَعْتُمْ أَن تَنفُذُوا مِنْ أَقْطَارِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ فَانفُذُوا ۚ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلْطَانٍ ( 33 )  
 
Jinni iyo Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada Hajooyinkooda iyo Dhulka ka baxa, kamana bixikartaan xujo la'aan.
يُرْسَلُ عَلَيْكُمَا شُوَاظٌ مِّن نَّارٍ وَنُحَاسٌ فَلَا تَنتَصِرَانِ ( 35 )  
 
Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan.
فَإِذَا انشَقَّتِ السَّمَاءُ فَكَانَتْ وَرْدَةً كَالدِّهَانِ ( 37 )  
 
Markay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin).
فَيَوْمَئِذٍ لَّا يُسْأَلُ عَن ذَنبِهِ إِنسٌ وَلَا جَانٌّ ( 39 )  
 
Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba ma jiro.
يُعْرَفُ الْمُجْرِمُونَ بِسِيمَاهُمْ فَيُؤْخَذُ بِالنَّوَاصِي وَالْأَقْدَامِ ( 41 )  
 
Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri).
هَٰذِهِ جَهَنَّمُ الَّتِي يُكَذِّبُ بِهَا الْمُجْرِمُونَ ( 43 )  
 
Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi).
يَطُوفُونَ بَيْنَهَا وَبَيْنَ حَمِيمٍ آنٍ ( 44 )  
 
Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda.
وَلِمَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ جَنَّتَانِ ( 46 )  
 
Ruuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno.
فِيهِمَا مِن كُلِّ فَاكِهَةٍ زَوْجَانِ ( 52 )  
 
Waxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah).
مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ فُرُشٍ بَطَائِنُهَا مِنْ إِسْتَبْرَقٍ ۚ وَجَنَى الْجَنَّتَيْنِ دَانٍ ( 54 )  
 
Waxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin.
فِيهِنَّ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَانٌّ ( 56 )  
 
Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna.
كَأَنَّهُنَّ الْيَاقُوتُ وَالْمَرْجَانُ ( 58 )  
 
Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh).
فِيهِمَا فَاكِهَةٌ وَنَخْلٌ وَرُمَّانٌ ( 68 )  
 
Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan.
لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَانٌّ ( 74 )  
 
Waa Haween uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna.
Random Books
- Siduu u tukan jirey Nebiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo koobanSiduu u tukan jirey Nebiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo koobanSource : http://www.islamhouse.com/p/172225 
- Qaamuuska carabiga oo koobanQaamuuska carabiga waxaan ka turjumay qaamuuska la yiraahdo "Sixaaxii oo la soo koobay" مختار الصحاح ee uu qorey Maxamed Abuubakar Cabdulqaadir oo loo yaqaan "Ar-raazi". Mana wada turjumin qaamuuskaasi ee waan soo koobay.Source : http://www.islamhouse.com/p/61645 
- Qaamuuska carabiga oo koobanQaamuuska carabiga waxaan ka turjumay qaamuuska la yiraahdo "Sixaaxii oo la soo koobay" مختار الصحاح ee uu qorey Maxamed Abuubakar Cabdulqaadir oo loo yaqaan "Ar-raazi". Mana wada turjumin qaamuuskaasi ee waan soo koobay.Source : http://www.islamhouse.com/p/61645 
- Xeerarka tajwiidka Qur’aankaXeerarka qurxinta aqriska Qur’aanka, أحكام تجويد القرآن waxaan u qoray Soomaalida jecel iney bartaan, rabana inay u sii gudbiyaan caruurtooda.Source : http://www.islamhouse.com/p/61670 
- WAXYAALO ILAAHAY XARIMAY DADKUNA FUDUDAYSTAY IN LA ISAGA DIGANA AY WAAJIB TAHAY-Source : http://www.islamhouse.com/p/339560 













